Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudada wadanka ee IEBC ayaa iskaga baxay guddiga loo xilsaaray u diyaar garowga doorashada guud ee sanadka 2022-ka.
Guddoomiyaha IEBC Wafula Chebukati ayaa shalay warqad arrinkan ku aaddan u qoray xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha gudaha Dr.Karanja Kibicho .
Chebukati ayaa go’aanka uu qaatay u aaneeyay faragelin lagu hayo guddiga oo la xiriirta qaabka uu u maareynayo codeynta Kenya ka dhici doonto bisha sideedaad ee sanadka soo socdo.
IEBC ayaa sheegtay inay tahay guddi madax bannaan oo aynan cidna ku maamuli karin shaqadeeda.
Wafula Chebukati ayaa dhanka kale xusay in lagu gacan bidixeeyay qorsheynta miisaaniyadda tani oo carqaladeyn karto dadaalka ay ugu jiraan in doorashadu ay noqoto mid xor iyo xalaal ah.
Guddiga qabanqaabada doorashada ee ay IEBC iskaga baxday ayaa waxaa guddoomiye ka ah madaxa cadaaladda dalka Martha Koome waxaana ka tirsan wasiirka arrimaha gudaha Dr. Fred Matangi,dhigiisa isgaarsiinta Joe Mucheru , wasiirka maaliyadda Ukur Yatani iyo xubno kale.