Iyadoo bilooyinkii la soo dhaafay gobollada dalka Soomaaliya deegaano badan oo ka tirsan ay ka jireen abaaro saameyn wayn yeeshay oo dadka inta ugu badan ay xoolihii ka dhammadeen, sidoo kalena meelaha qaar dadku haraad ugu go’een ayaa waxaa saddexdiii cisho ee la soo dhaafay waxaa deegaano badan oo gobolka Gedo ka tirsan ka da’ay roobaab xooggan oo aad loogu diirsaday.
Qaar ka mid ah dadka xoola dhaqatada ah ee gobolka Gedo oo markii hore aad uga niyad xumaa xaaladda abaarta ayaa hadda Alle raxmadiisa ay heleen uga mahadceliyay.