WHO oo ku baaqday in caalamka uu isku diyaariyo la tacaalidda Omicron

0
378

Hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa ku talisay in dowladaha caalamka ay si buuxda ugu diyaar garoobaan la tacaalidda faraca cusub ee caabuqa corona ee loo yaqaano Omicron.
Hay’adda ayaa sheegtay in noocan uu halis yahay sidaas awgeedna aan la fududeysan karin.
WHO ayaa dowladaha ku boorrisay inay dardargeliyaan tallaalka ay siinayaan kooxaha mudan mudnaanta koowaad.
Waxay hay’addu intaasi ku dartay in faracan oo markii ugu horreysay lagu arkay dalka Koonfur Afrika uu si degdeg ah ugu faafi karo dunida.
Agaasimaha guud ee hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO Tedros Adhanom ayaa sheegay in qiimeyn ay sameeyeen ay uga soo baxday in halistu ay aad u sarreyso in kastoo ilaa iyo hadda qof uunan u dhiman faracan.