Sifuna: Raila wuxuu madaxtinimada ugu tartamayaa cadaadis ay ku hayaan kenyaanka

0
304

Xoghayaha guud ee xisbiga ODM Edwin Sifuna ayaa sheegay in Raila Odinga uunan markii shanaad u tartami lahayn hanashada hoggaanka ugu sarreeya dalka haddii aynan shacabku ku cadaadin.
Xilli uu wareysi siinayay telefishinka Citizen ayuu Sifuna hoosta ka xarriiqay in ra’iisul wasaarihii hore ee dalka uu tartanka madaxtinimo ee sanadka 2022-ka isaga hari doono haddii ay kenyaanka sidaasi kula taliyaan.
Xoghayaha ayaa tilmaamay in kenyaan badan oo ka tirsan xisbiyo kala duwan ay Raila ku qancinayaan inuu mar kale tartamo si uu talada ugala wareego madaxweyne Uhuru Kenyatta.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo Mr. Odinga uu weli wado ololaha mideynta bulshada.
Madaxa xisbiga ODM ayaa sheegay in keliya uu mowqifkiisa shaacin doono ka dib marka uu dhameystiro wada xaajoodka uu la yeelanaya dadweynaha.