Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ayaa xalay saqdii dhexe waxaa ay weerar madaafiic ah iyo mid toos ah ku qaadeen Saldhigyada Ciidamada Itoobiya & kuwa Booliska Koonfur Galbeed ee Magaalada Baydhabo, iyada oo uu jiray dagaal ka dhacay meelo kamid ah Magaalada Baydhabo.
Weerarka madaafiicda ah oo jugtooda si wayn looga maqlay Magaalada Baydhabo ayaa waxaa lagu qaaday Saldhigga Ciidamada Itoobiya, waxaana la sheegay in ciidamada Itoobiya dhankooda ay madaafiic kale uga jawaabeen weerarka lagu soo qaaday.
Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in Al-Shabaab ay sidoo kale weerar toos ah ku qaadeen Saldhigga Ciidamada Booliska ee Koonfur Galbeed ku leeyihiin Suuqa Xoolaha Magaalada Baydhabo, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal la leysku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.
Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in ay jiraan khasaaro dhaawac ah oo dad rayid ah kasoo gaaray weerarradaasi.
Laamaha Amniga Magaalada Baydhabo ayaan weli ka hadlin weerarradaas, hayeeshee waxaa ay kusoo aadayaan xilli Magaalada Baydhabo ay ka socoto doorashada Xildhibaannada Golaha Shacabka