Xisbiga talada dalka haya ee Jubilee ayaa shaaciyay inuu dib u dhigay shirweynihii ergada qaranka oo horay loogu asteeyay inuu dhaco maanta oo ah 30-ka bisha 11-aad.
Xoghayaha guud ee xisbiga Jubilee Raphael Tuju ayaa sheegay in shirweynaha qaran ee xisbiga dib loo dhigay sababo la xiriira jadwalka cariiriga ah ee hoggaamiyaha xisbiga ahna madaxweynaha wadanka Uhuru Kenyatta.
Waxaa uu Tuju intaasi ku daray in shirka uu sidoo kale ku soo beegmay maalinta loo qorsheeyay inuu madaxweynaha qaranka kula hadlo kal-fadhi ay si wadajir ah u yeelanayaan xildhibaanada baarlamaanka iyo senatarrada aqalka sare.
Xoghayaha Jubilee ayaa sidoo kale sheegay in taariikhda kale iyo goobta shirweynaha xisbiga lagu qabanayo gadaal laga soo sheegi doono.
Waxaa uu xusay inuu aad uga xun yahay dib u dhigidda shirka isagoo xubnaha xisbiga ku boorriyay inay sii wadaan howlaha muhiimka ah ee xisbiga inta la sugayo taariikhda kale ee shirka la qabanayo.