Madaxweynaha dalka Soomaaliya Maxamad Cabdullaahi Farmaajo oo xalay gaaray magaalada Dooxa ee caasimadda dalka Qatar ayaa la filayaa inuu saacadaha soo socda la kulmo Amiirka dalka Qatar Sheekh Tamiim Bin Xamad Al Thaani.
Labada mas’uul ayaa ka wada hadli doona xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii Dowladaha Soomaaliya iyo Qatar isaga kaashan lahaayeen dhinacyada dhaqaalaha, horumarinta cayaaraha iyo iskaashiga maalgashiga.
Sidoo kale Madaxweyne Farmaajo ayaa dalka Qatar uga qeyb geli doona furitaanka Koobka Kubadda Cagta ee dalalka Carbeed oo lagu marti qaaday Madaxda dalalka Carabta, si loo xoojiyo iskaashiga dhanka horumarinta cayaaraha iyo is-dhexgalka dhallinyarada Shucuubta wadamada carbeed.
Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Soomaaliya Cabdirashiid Maxamad Xaashi ayaa sheegay in sidoo kale Madaxweyne Farmaajo uu kulamo la qaadan doono hoggaamiyeyaasha ka soo qeyb-galaya Munaasabadda furitaanka Koobka Kubadda Cagta ee dalalka Carabta.