Guddiga anshaxa iyo la dagaalanka musuqmaasuqa ee EACC ayaa sheegay in ilaa iyo hadda 22 ka mid ah ismaamullada dalka laga sameeyay qiimeyn ku aaddan khatarta falalka wax isdaba marinta.
Waxaa si gaar ah barnaamijyadan loogu eegayaa golayaasha dowlad deegaannada wadanka.
Hannaankan ayaa looga gol-leeyahay in sare loogu qaado dadaallada looga hor tagayo falalka musuqmaasuqa .
Sidoo kale waxaa uu gacan ka gaysanayaa in xilli hore la ogaado oo wax laga qabto qorsho kasta oo lagu lunsanayo kheyraadka dadweynaha.