UK oo ganaaxaysa dadka aan u hoggaansamin xeerarka karantiilka

0
629

Wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka bulshada ee boqortooyada Ingiriiska ayaa soo saartay go’aan ah in la ganaaxo cidii jebiso xeerarka la xiriira karantiilka.
Dadka halkaas safarrada ku tago ee aan ilaalin nidaamka karantiilka waxay muteysanayaan ganaax lacageed oo dhan 10,000 oo Pounds ah una dhiganta 13,800 oo doolar.
Sidoo kale waxaa la xirayaa 10 sano.
Tallaabadan ayay dowladda Britain ku xakameynaysaa faafitaanka caabuqa corona.
Wasaaradda caafimaadka ee UK waxay sheegtay in amarro dhowr ah oo ay ka mid tahay karantiil khasab ah ay dhaqan galayaan 15-ka bishan.
Xoghayaha wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka bulshada ee Ingiriiska Matt Hancock ayaa arrimahan shaaciyay.