Guddoomiyihii xiriirka kubadda cagta FKF ee dalka oo maanta maxkamad la soo taagaya

0
292

Waxaa lagu wadaa in maanta maxkamad la soo taago guddoomiyihii xiriirka kubadda cagta dalka FKF Nick Mwendwa.
12-kii bishan ayay ahayd markii dembi baarayaasha ay xireen, ka hor inta aysan siidayn booliska, ka dib markii ay ku guuldareysteen in wax dacwad ku soo oogaan.
Mwendwa ayaa loo haystaa lunsashada lacag dhan 29.5 milyan oo shilinka dalka ah oo la sheegay in ay ka maqan tahay akoonnada maamulka kubadda cagta dalka ee FKF.
Waxaa uu sidoo kale wajahaya eedeymo kale oo la xiriira lunsashada lacago dhan 8.5 milyan oo shilin.
Dembi baarayaasha dalka ayaa la sheegay inay qorsheynayaan inay soo bandhigaan caddeymaha eedeymaha loo haysto madaxa xirrirka kubadda cagta ee Kenya.
Dhawaan ayay ahayd markii lagu guuldaraystay in lasoo bandhigo faylasha muujinaya in Nick Mwendwa uu ku kacay falal musuqmaasuq ah.
Qareenka matalaya Mwendwa oo lagu magacaabo Eric Mutua ayaa warqad uu u diray taliyaha guud ee booliska dalka Mr. Hilary Mutyambai, waxa uu kaga soo horjeystay xarigga Mwendwa isagoona ku tilmaamay mid sharci darro ah.
Guddoomiyaha FKF ayaa markii ugu horreysay la xiray 12-kii bishan, waxaana lagu sii daayay lacag dhan 4 milyan oo shilin.
Wasiirradda wasaaradda cayaaraha ee dalka Aamina Maxamad ayaa kala dirtay xiriirkii kubadda cagta dalka ee FKF 11-kii bishan Nofeembar, waxayna samaysay guddi ku meel gaar ah oo maamula arrimaha kubbadda cagta ee wadanka muddo 6 bilood ah, iyada oo la bilaabay baaritaanka eedeymaha ku saabsan lunsashada lacagaha FKF.