Waaxda saadaasha hawada oo sheegtay in roobab culus la rajeynayo inay ka da’aan 32 ismaamul

0
721

Waaxda saadaasha hawada ee dalka ayaa sheegtay in la filayo 24-ka saac ee nagu soo aadan in roobab culus ay ka da’aan 32 ismaamul oo ka mid ah 47-da dowlad deegaan uu wadanka ka kooban yahay.
Ismaamullada ay waaxdu saadaalisay in roobab ay ka da’i doonaan waxaa ka mid ah Nairobi, Machakos, Kitui, Makueni, Kajiado, Tana River, Lamu, Garissa, Mandera, Wajir, Marsabit, Isiolo, Kiambu, Murang’a, Embu, Kirinyaga, Meru, Nyeri, Tharaka, Nyandarua, Laikipia, Samburu, Elgeyo Marakwet, Galbeedka Pokot, Trans Nzoia, Uasin Gishu, Nyamira, Kisii, Narok, Nakuru iyo Migori.
Waaxda KMD ayaa intaa ku dartay in roobabka laga yaaba in daadad ka dhashaan.
Magaala madaxda dalka ee Nairobi ayaa la sheegay in daadad uu saameeyay qaar ka mid ah waddooyinka caasimadda oo ay hadda adag tahay in la isticmaalo, sida waddooyinka Mombasa iyo Uhuru.
Waxaa dalka muddooyiinkii ugu dambeeyay ka jiray abaaro aad u daran oo saameyn ku yeeshay dadka iyo duunyadaba.
In kastoo xoolo badan ay abaarta ku nafwaayeen haddana rajada dadka ayaa hadda wanaagsan, maadaama meelaha qaar laga qabowsaday.