Iyada oo abaar ba’an ay ka jirto dalka ayaa waxaa qaybo ka mid ah gobolka waqooyi bari ka da’ay roobab lagu diirsaday.
Meelaha ay roobabka ka curteen waxaa ka mid ah magaalada Liboi ee deegaanka Dadaab, Cali Juqur oo ka tirsan Fafi , magaalada Dhadhajabuula ee Koonfurta Wajeer iyo xuduudda Kenya ay la wadaagto dalka dariska la ah ee Soomaaliya.
Xasan Kooyte waxaa uu ka mid yahay xoolo dhaqatada Damaajaaley oo ka tirsan Dadaab wuxuuna roobabka halkaasi ka da’ay uga warramay Mowlid Maxamad Shuuriye.
Dhinaca deegaan baarlamaneedka Lagdera iyo Balambala ee ismaamulka Garissa roob badan lagama helin in kastoo la soo sheegayo in meelaha qaar ay jirtay daruur laga cabbay.
Sidoo kale dhanka Ijara meelo badan ayaa laga helay roobab lagu diirsaday waxaana ka mid ah magaaloyinka Masalaani , Ijara iyo Sangailuu.
In kastoo xoolo badan ay abaarta ku nafwaayeen haddana rajada dadka ayaa hadda wanaagsan maadaama la roobaystay