Waa kuma agaasimaha cusub ee Villa Soomaaliya?

0
445

Madaxweynaha dalka Soomaaliya Maxamad Cabdullaahi Farmaajo ayaa Xeer Madaxweyne ugu magacaabay Prof. Maxamad Cabdullaahi Ciise (Dheere) inuu noqdo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qarankaasi.
“Prof. Maxamed Dheere ayaa xilligan muhiimka ah kusoo biirinaya maamulka Xafiiska Madaxweynaha khibrad shaqo oo kor u dhaafaysa 28 sanadood, wuxuuna si gaar ah uga soo shaqeeyay arrimaha siyaasadda, maamulka iyo horumarinta bulshada” ayuu yiri madaxweyne Farmaajo.
Mr. Farmaajo ayaa faray Agaasimaha cusub inuu si hufan u guto hawlaha muhiimka ah ee haatan horyaalla, wuxuuna Alle uga baryay inuu u fududeeyo mas’uuliyaddan culus ee loo igmaday.
Waxaa uu uga mahadceliyay Agaasimihii hore oo haatan loo magacaabay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Cabdisaciid Muuse Cali sidii xilkasnimada ahayd ee uu usoo hoggaamiyay Xafiiskan muddadii koobnayd ee uu xilka hayay.