Agaasimihii hore ee maamulka dekadaha dalka ee KPA Gichiri Ndua ayaa loogu yeeray inuu horyimaado guddiga maalgashiga dadweynaha ee baarlamaanka si uu wax badan uga iftiimiyo heshiisyada mashruuca ay gaareen maamulka marinka casriga ee tareenada ee SGR iyo KPA.
Guddoomiyaha guddiga maalgashiga dadweynaha ee golaha qaran xeer dejinta u qaabilsan ahna mudanaha laga soo doortay deegaanka Mvita ee ismaamulka Mombasa Cabdisamad Shariif Naasir ayaa sheegay in uu sidoo kale u yeeray maareeyihii guud ee maamulka dekadaha dalka Muthoni Gatere si arrinkan wax looga weydiiyo.
Sida ay sheegayaan xogta laga helay guddiga labada dhinac waxay saxiixeen in dowladdu ay amaah ku hesho heshiis ay la gashay bangiga wax dhoofiya ee Exim islamarkaana laga leeyahay dalka Shiinaha.
Guddoomiyaha guddiga maalgashiga dadweynaha ayaa sheegay in sidoo kale ay u yeeri doonaan wasiirka wasaaradda gaadiidka iyo kaabayaasha waddooyinka James Wainaina Macharia, maadaama ay KPA ku hoos imaan jirtay wasaaraddiisa, ka hor inta aan loo wareejin dhigeeda maaliyadda.
Mr. Naasir ayaa tilmaamay in dhaqaale dhan 161.6 bilyan oo shilin heshiis amaah ay maamullada KPA iyo SGR ay la gaareen bangiga Exim ee Shiinaha bishii May ee sanadkii 2014, iyadoo sidoo kale isla bishaas ay amaahdeen dhaqaale dhan 202.36 bilyan oo shillin.
Waxaa taasi guud ahaan ka dhigtay lacagta ay amaahdeen 363.96 bilyan oo shilinka dalka ah.
Waxa uu tilmaamay in habka lacagta amaahda loo bixiyay ee heshiiska uu tixraacayo labo deyn oo loogu talagalay mashruuca marinka casriga ee tareenada ee SGR ee magaalooyinka Mombasa ilaa Nairobi ee sanadkii 2014-kii.
Sidoo kale waxaa uu xusay in heshiiskaas uu u dhexeeyay bangi shisheeye, dowladda dhexe ee dalka, maamulka tareenada wadanka ee KRC iyo KPA.