Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya oo markale loo doortay xildhibaan

0
392

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka ee dalka Soomaaliya Maxamad Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa loo doortay inuu mar kale noqdo Xildhibaan ka tirsan golaha xeer dejinta ee wadankaasi.
Waxaa uu u tartamayay kursiga sumadiisu tahay HOP182, isagoo helay codad gaaraya 88 Cod, ka dib doorasho goor dhow ka dhacday Magaalada Baydhabo ee caasimadda maamulka Koonfur Galbeed.
Guddoomiye Mursal ayaa horay loogu eedeeyay in kursigiisa aysan ku tartameyn musharraxiintii u baahneyned, islamarkaana uu soo xushay qofka la tartamaya.
Doorashada golaha Shacabka ee hadda socoto ayaa ah mid la sii ogyahay natiijada doorashada.