Maxkamadda sare ee dalka ayaa maanta diiday inay hakiso ku tallaaba qaadka go’aan ay dhawaan shaacisay wasaaradda caafimaadka ee Kenya kaasoo ah in laga billaabo 21-ka bisha Diseembar ee sanadkan adeegyada dowladda laga xayiri doono cidii aan qaadan tallaalka corona.
Dhagaysiga dhinacyada kala duwan ee dacwaddan ayaa la qaban doonaa 1-da bisha 12-aad.
Wasiirka wasaaradda caafimaadka Mutahi Kagwe ayaa maalmo ka hor sheegay in laga billaabo 21-ka bisha Diseembar aan adeegyada dowladda la siin doonin qof aan soo bandhigin caddeyn ah inuu qaatay dawooyinka tallaalka.
Guddoomiyaha guddiga qaran ee loo xilsaaray qaybinta tallaalka Dr. Willis Akhwale ayaa difaacay go’aanka wasaaradda .
Waxaa uu xusay inaynan jirin qaab kale oo loogu guulaysan karo dagaalka ka dhanka ah caabuqa corona.