DHAGEYSO:Qiimaha lagu iibiyo xoolaha ee Garissa oo hoos u dhacay

0
287

Waxaa hoos u dhac wayn laga dareemayaa qiimaha lagu kala iibsado xoolaha nool ee ismaamulka Garissa iyadoo xaaladdan loo aaneynayo saameynta abaarta.
Axmad Xassan Cabdullahi waa guddoomiyaha golaha suuqgeynta xoolaha nool ee ismaamulka Garissa waxaa uuna idaacadda Star FM faahfaahin ka siiyay arrinkan.

Waxaa uu sidoo kale xoolo dhaqatada ugu baaqay inay isugu dul qaataan culeyska ka dhashay abaarta sida biya la’aanta iyo daaq yarida isagoo dhanka kale sheegay in qaybta ciidamada ee loo yaqaano RDU ay shacab ku dhibaateeyeen deegaanka Fafi ee ismaamulka Garissa.

Hasa ahaate dowladda ayaan weli ka hadlin dhibaatooyinka uu guddoomiyaha suuqgeynta xoolaha ee Garissa sheegay in lagula kacay dadweynaha degmada weel mareer.