Bangiga AfDB oo dhaqaale ku taageeraya barnaamijyada dowladda ee ka dhanka ah isbeddelka cimillada

0
263

Bangiga horumarinta Afrika ee (AfDB) ayaa ballanqaaday inuu dowladda Kenya garab ku siin doono sidii ay dhaqaale ugu heli lahayd la dagaalanka isbeddelka ku yimaada cimillada.
Ku xigeenka bangiga AfDB ee dhanka korontada ,tamarta ,cimillada iyo kobaca deegaanka Dr. Kevin Kariuki ayaa sheegay inay dowladda dhexe garab ku siin doonaan sidii loo abuuri lahaa jawi habboon oo lagu helaya miisaaniyad wax looga qabto isbeddelka cimillada.
Arrintan ayuu ka sheegay shirka dowlad wadaajinta ee maanta lagu soo gababeynaya ismaamulka Makueni.
Saameynta isbeddelka cimillada waxaa ka mid ah abaarta ku dhufatay 23 ka mid ah 47-da dowlad deegaan ee uu wadanku ka kooban yahay.
Abaarta ayaa saameyn wayn oo dhanka nolosha ah ku yeelatay 2.5 milyan oo qof.
Warbaahinta dowladda ee KBC ayaa ku warramaysa in Kenya ay shanti sano boqolkiiba 8 ee dhaqaalaheeda guud ku bixiso keliya la tacaalidda saameynta abaarta.