Midowga Yurub oo war ka soo saaray arrimaha Soomaaliya

0
306

Midowga Yurub ayaa ka hadlay xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan doorashooyinka, Amniga iyo abaaraha xilligaan kajira meelo badan oo ka mid ah wadankaasi.
Qoraal kasoo baxay Midowga Yurub ayaa marka hore waxaa lagu sheegay inay la socdaan muranka siyaasadeed ee ka taagan Soomaaliya gaar ahaan arrimaha doorashooyinka ee dhowr jeer dib u dhacay loona baahan yahay in xal laga gaaro.
Sidoo kale dalalka Midowga Yurub ayaa soo dhaweeyay heshiiska laga gaaray khilaafkii u dhaxeeyay Madaxda Sare ee dowladda Soomaaliya.
Waxaa ay ugu baaqeen Madaxda Soomaalida in la dhameystiro doorashooyinka ka hor dhammaadka sanadkan 2021-ka si aysan dalka uga dhicin xasilooni darro siyaadadeed.
Ugu dambeyn dalalka Midowga Yurub ayaa sheegay inay aad uga xun yihiin weeraradii ugu dambeeyay ee Ururka Al-Shabaab ka fuliyeen Soomaaliya, iyagoo sidoo kale muujiyay walaac la xiriira weerarro kale oo ay Al-Shabaab ka fuliyaan Soomaaliya.
Dalalka Midowga Yurub ayaa waxay Soomaaliya siiyaan taageero amni iyo mid dhaqaale.