DHAGEYSO:Guddoomiyaha Wajeer oo dhallinyarada ugu baaqay inay warbixinnada ammaanka u gudbiyaan booliska

0
350

Guddoomiyaha dowladda dhexe ku matalo ismaamulka Wajeer Jacob Narengo ayaa dhallinyarada ku boorriyay inaysan ka cabsan in laamaha ammaanka ay ku wargeliyaan dhacdooyinka wax u dhimaya xasiloonida guud ee bulshada.
Waxaa uu xusay in qofka warbixinta soo gudbiyay aan lagu dhibaateyn doonin.

Sidoo kale dhallinyarada ayuu kula taliyay inay ka fogaadaan isticmaalka maandooriyaha noocyadiisa kala duwan.
Culimada ayuu ka codsaday inay masaajidda bulshada uga wacyigeliyaan dhibaatadan.

Mr. Jacob Narengo ayaa arrimahan ka hadlay xilli uu ka qayb galay munaasabad lagu soo xirayay tartanka cayaarta kubadda laliska (Volleyball) kaasoo lagu qabtay magaalada Wajeer.