Ku xigeenka madaxweynaha dalka William Ruto ayaa maanta lagu wadaa inuu gaaro ismaamulka Nyandarua ee gobolka bartamaha dalka halka madaxa xisbiga ODM Raila Odinga uu tagi doono dowlad deegaanka Nyeri.
Siyaasiyiinta ku midoobay ayaa iyagana isku soo bax siyaasadeed ku qaban doono ismaamulka Bungoma ee galbeedka wadanka.
Ruto ayaa shacabka taageero uga raadsanaya qorshihiisa ku saleysan wanaajinta nolosha danyarta , dhallinyarada shaqo la’aanta ah iyo ganacsatada yaryar.
Raila Odinga oo isna dadweynaha ka dhaadhicinaya ololaha mideynta bulshada ayaa Nyeri ku sugnaan doono labo cisho laga billaabo maanta.
Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka ayaa fagaaraha Kabiruini kulan kula qaadan doono 3,000 oo ka mid ah waxgaradka Mt.Kenya ka hor inta uunan la shirin 1,000 dhallinyaro ah oo ka soo jeedo 6 deegaan baarlamaneed.
Madaxda isbeheysiga OKA ee kala ah Musalia Mudavadi iyo Moses Wetangula ayaa ka dib marka ay ka gudbaan Bungoma u sii wareegi doono dowlad deegaanka Trans Nzoia .