Xeer ilaaliyaha qaranka oo doonaya in aan la xirin agaasimaha dambi baarista

0
354

Xeer ilaaliyaha guud ee dalka Kihara Kariuki ayaa maxkamadda geeyay dacwad uu kaga soo horjeedo in la dhaqangeliyo xukunkii dhawaan la dul dhigay agaasimaha waaxda dambi baarista ee DCI-da Mr. George Kinoti.
Dhawaan ayay ahayd markii maxkamadda ay amartay in Kinoti la xiro afar bilood maadaama uu dafiray go’aan ay horay u soo saartay.
Madaxa dambi baarista wadanka ayaa haysta ilaa berri oo khamiis ah si uu hub sharciyeysan ugu wareejinayo ganacsade Jimmy Wanjigi oo ay horay ciidamada ammaanka kala wareegeen.
Kihara Kariuki ayaa ku doodaya in dafiraadda amarka maxkamadeed ee loo haysto Kinoti aan sida habboon loo wajahin maadaama uu jiro guddi qaabilsan sharciyeynta hubka.
Isagoo uu matalaya qareen lagu magacaabo Cecil Miller ayuu xeer ilaaliyaha qaranka sheegay in agaasimaha waaxda dambi baarista uunan kaalin ku lahayn keydinta hubka sidaas awgeedna aan loo ciqaabi karin.