Hay’adda xuquuqda aadanaha Amnesty International ayaa ku boorrisay dowladda Kenya inay ka laabato tallaabooyiinka qasabka ah ee ka dhanka qaadashada tallaalka cudurka COVID 19.
Wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa maalmo ka hor shaaciyay in cidii aan qaadan dawooyinka tallaalka laga hor istaagi doono inay raacaan gaadiidka dadweynaha ama ay wax ka cunaan maqaayadaha.
Wasiirka wasaaradda caafimaadka ee dalka Mr. Mutahi Kagwe ayaa sheegay in dadka aan iska tallaalin corona laga xayiri doono adeegyada maamulka canshuuraha wadanka ee (KRA), maamulka qaran ee gaadiidka iyo badqabka waddooyinka ee (NTSA),waxbarashada, isbitaallada , socdaalka, dekadda ,goobaha madadaalada ,booqashada maxaabiista iyo waaxyaha la midka ah.
Waxaa uu xusay in amarkan lagu saleeyay xeerka caafimaadka dadweynaha ee Public Health Act kaasoo wasaaradda awood u siinaya inay qaado tallaabooyin adag gaar ahaan marka uu jiro cudur faafaya.
Mr. Kagwe waxaa uu tilmaamay in ujeeddada laga leeyahay arrintan ay tahay in la badbaadiyo shaqaalaha dowladda iyo adeeg bixiyeyaasha isagoo sida uu hadalka u dhigay howlwadeeno qaatay tallaalka aynan noloshoodu halis u gelinayn inay adeegaan shakhsiyaad iska diiday tallaalka.
Amarkan ayaa dhaqangeli doono 21-ka bisha 12-aad ee Diseembar sanadkan 2021-ka.
Marka la gaaro 21-ka Diseembar, qof kasta oo doonaya adeeg dowladeed ayaa laga dalban doonaa inuu soo bandhigo caddeyn muujinaysa inuu qaatay tallaalka.
Agaasimaha fulinta ee hay’adda Amnesty International ee Kenya Irungu Houghton ayaa sheegay in wasaaradda caafimaadku ay tahay in taa beddelkeeda ay dardargeliso barnaamijyo waxbarasho oo wax ku ool ah si dadka ay u fahmaan muhiimadda ay leedahay qaadashada tallaalka COVID 19.