Barta Facebook-ga ee waaxda dacwad oogidda dalka oo aan weli la soo ceshan ka dib markii la jabsaday

0
262

Waxaa in ka badan 12 saacadood aan weli lagu guulaysan in la xalliyo fal lagu jabsaday barta Facebook-ga ee waaxda dacwad soo oogidda dalka ee ODPP .
Waaxda dacwad soo oogidda dalka ayaa xalay fiidkii xaqiijisay in booggeeda ay ku lahayd baraha bulshada gaar ahaan Facebook-ga ay u dhaceen dad aan la garanayn.
Waxaa ay waaxda arrinkan dadweynaha ku ogeysiisay barteeda kale ee Twitter-ka.
Burcadda ayaa magaca barta ODPP ee Facebook-ga u beddelay Fam Hâm Mộ Của QuanCon.
Waxay waaxda intaa ku dartay inay jiraan koox ka shaqaynaysa sidii dib loogu soo celin lahaa bartooda Facebook-ga.
Waxaa jiray walaac laga qabo kiisaska sii kordhaya ee weerarrada ka dhanka ah baraha intarneetka ee Kenya.
Sanadkii 2019-kii ayay ahayd markii la jabsaday baraha intarneetka ee 18 waaxood oo kuwa dowladda ah.