Waxaa lagu soo warramayaa in booliska magaalada Kisumu ay is rasaaseyn xooggaan kula jiraan kooxo looga shakiyay inay burcad yihiin oo gudaha u galay xarunta bankiga Equity ee ismaamulkaasi.
Wararka qaar ayaa sheegaya in burcaddu ay yihiin ilaa afar.
Taliyaha booliiska ee gobolka Nyanza Karanja Muiuri ayaa sheegay in ciidamo badan oo booliis ah la geeyay goobtaasi, si ay tuugada halkaasi uga soo saaraan .
Rasaas xooggan ayaa laga dhex maqlayay gudaha bangiga abaare 10-kii barqanimo ee maanta, iyadoo aan la ogeyn tirada burcadda ee goobtaasi gudaha u gashay.
Waxaa sidoo kale aad loo adkeeyay ammaanka bankiga, iyadoo la xiray waddooyinka u dhow xaruntaasi.
“Koox tuugo ah ayaa gudaha u gashay bangiga, mana garanayno waxa dhacaya, waxaan ogahay kaliya in aan maqalnay dhawaaqa rasaasta ilaa haddana gudaha bangiga ayay ku jiraan tuugadaā€¯ ayuu yiri qof goobjooge ah.
Home Wararka Kenya Israsaaseyn dhex martay booliska iyo burcad gudaha u gashay xarunta bangiga Equity...