Xukuumadda rw Rooble oo ka jawaabtay eedeyntii mucaaradka

0
408

Wasiirka wasaaradda Warfaafinta ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa si adag uga jawaabay eedeyn xooggan oo ka soo yeertay mid ka mid ah musharraxiinta mucaaradka.
Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, oo ka mid ah musharraxiinta xilka madaxweynaha ee ka soo jeeda garabka mucaaradka, ayaa Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Maxamad Xuseen Rooble, ku eedeeyay inuu baal maray shuruucdii doorashada.
Balse Cusmaan Abuukar Dubbe oo ah wasiirka Warfaafinta ayaa ku gacan seyray hadalka Cabdiraxmaan, isagoo sheegay inuu yahay hal shakhsi oo kaliya.
Wareysi uu siiyay laanta afka soomaaliga ee BBC-da ayuu hadal ay carro badan ka muuqatay ku sheegay in mucaaradku aysan oggoleyn habka loo wajahay doorashada Aqalka Hoose ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya”.
Waxa hadda socda ayuu sheegay in aan lagu magacaabi karin doorasho.
“Hab raaca doorashada ee qoran waxay ka billaabataa odayaasha dhaqanka, In ugu horreyn la faafiyo liiska odayaasha dhaqanka, la tababarro, ka dib ay ergo xulaan, ergadaas la tababaro, nidaamkii lagu heshiiyay ee kootada ahaa ee dhinaca haweneka ama bulshada rayidka ah la caddeeyo, ka bacdi ayay imaaneysaa in xildhibaannada ay is diiwaan geliyaan.