Musharraxiinta u tartameysa doorashada aqalka hoose ee Soomaaliya oo looga digay inay wajigooda qariyaan

0
327

Guddiga doorashada Soomaaliya ayaa sheegay in aanan la aqbali doonin in musharraxiinta u tartameysa doorashada Aqalka Hoose ee dalkaasi in wajigooda ay qariyaan.
Waxay guddiga sheegeen in arrintan looga golleeyahay hufnaanta doorashada.
“Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal waxay ku war galinayaan musharrixiinta ku tartamaya kuraasta Golaha Shacabka ee dalka oo dhan in aan la aqbali doonin in musharrax ku jira tartanka uu qariyo wajigiisa, si loo ilaaliyo daahfurnaanta doorashada” ayaa lagu yiri qoraal uu guddiga doorashada heer federal soo dhigay Facebook.
Tallaabadan ayaa kusoo aadeysaa xilli cabasho laga muujiyay musharraxiin la sheegay in wajigooda ay qariyeen xilliggii ay socotay doorashada.