Hoggaamiyaha xisbiga Narc Kenya oo digniin u dirtay xisbiyada midoobaya ka hor doorashada guud

0
364

Madaxa xisbiga Narc Kenya Martha Karua ayaa ugu baaqday Kenyaanka inay qaataan siyaasadda xisbiyada badan taasoo qayb ka ah ballaarinta hannaanka dimuqraadiyadda.
Karua ayaa sheegtay in tallaabada lagu jabinayo xisbiyada si ay ugu biiraan kuwo kale ay tahay siyaasad dib u dhac ah maadaama ay hoos u dhigi doonto hannaanka dimuqraadiyadda.
Waxay tilmaantay inaysan xitaa shacabka gobolka bartamha dalka ka codsan doonin inay ku soo biiraan xisbigeeda Narc Kenya.
Arrintan ayay Karua ka hadashay xilli ay socdaal ku maraysa gobolka bartamaha waxayna u digtay siyaasiin ay sheegtay inay keliya danahooda ilaalsanayaan,iyadoo tilmaamtay inay taageerayso qof kasta inuu doorto xisbiga ama shakhsiga uu u arko inuu dantiisa ama danta deegaankiisa ka shaqeynayo.
Madaxa Narc Kenya oo tusaale u soo qaadatay xisbiga Jubilee oo in ka badan 10 xisbi ay ku midoobeen sanadkii 2013-kii ayaa hoosta ka xarriiqday in tallaabadaas oo kale tahay habka lagu helo kalitalisnimada,maadaama sida ay u aragto haddii wakiillada golaha hoose ee deegaanada,xildhibaanada iyo xitaa madaxweynaha ay hal xisbi ka soo wada jeedaan ay abuurayso nidaam dikteetarnimo ah.
Hadalka hoggaamiyaha Narc Kenya ayaa ku soo aadaya iyadoo warar soo baxaya ay sheegayaan in xisbiyo badan oo uu ka mid yahay xisbiga talada dalka haya ee Jubilee ay ku howlan yihiin heshiisyo ay la galayaan xisbiyo kale sida ODM ka hor doorashada guud ee sanadka 2022-ka.