Raila Odinga oo ballan qaaday inuu lacago gaar ah siinaya maamullada horumarka ku liita

0
365

Hogaamiyaha xibiga ODM Raila Odinga ayaa ballan qaaday inuu wax badan ka qaban doono sinaan la’aanta haysata ismaamullo oo ay ku jirto  galbeedka Pokot haddii loo doorto madaxweynaha dalka sanadka soo socda.
Raila oo maanta ka hadlay shir wadatashi ah oo ka dhacay deegaanka Kapenguria ayuu sheegay in hadii doorashada soo socota loo codeeyo uu hirgalin doono sanduuqa sinaanta oo lagu taageerayo dowlad deegaanada dhanka horumarka ku dambeeya isagoo intaasi raaciyay in qorshihii BBI loola jeeday ay ahayd kordhinta khayraadka si loo daboolo kala duwanaanshaha dhanka horumarka.
Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka ayaa sheegay in haddii uu guulaysto maamulkiisa uu dajin doono qorshe looga hortagayo in khayraadka lagu xado gobollada aan horumarsanayn isagoo sheegay in khadka tareenka ee Kitale la kordhin doono si bulshada deegaanku uga faa’iidaysato.
Raila ayaa shacabka kenyaanka ah u xaqiijiyay inuu hubin doono sidii ay maamulladu u heli lahaayeen kaalmo uuna u qoondaynayo lacago cadaan ah oo ku filan si wax looga qabto kaabayaasha heerka hoose ah.
Kulankaan uu ku sugnaa hoggaamiyaha xisbiga ODM ayaa waxaa sidoo kale ka qaybgalay barasaabyada ismaamullada Kakamega Wycliffe Oparanya, Elgeyo-Marakwet Alex Tolgos iyo barasaabka galbeedka Pokot John Lonyangapuo.