Ciidamada booliska dalka ayaa baaraya dhacdo uu qof maxbuus ah isku dhex dilay qol ka mid ah xabsiga dhexe ee deegaanka Kitutu ee dowlad deegaanka Kisii.
Sida laga soo xigtay warbixinta ciidanka booliska ee xiligaas shaqada ku jiray maxbuus lagu magacaabo David Ondaro oo 24 sano jir ah ayaa is dilay isagoo isticmaalaya suun,waxaana la helay maydkiisa oo ka laalaada qolkii lagu hayay ama uu ku xidhnaa.
Ciidanka booliska ayaa sheegay in qofkaan la tuhunsanaa hadana isdilay la soo xiray 17-kii bishaan xiligaas oo la sheegay inuu xaday Mooto qiimaheeda lagu sheegay 124,000 oo shilin.
Ka hor inta uu san is dilin ayaa waxaa lagu waday in Isniinta maanta ah maxkamada la soo taago waxaan maydkiisa la geeyay qaybta maydadka lagu kaydiyo ee isbitaalka weyn ee Kisii si baaritaano loogu sameeyo.