Madaxweynaha dalka oo booqanaya wadanka Koonfur Africa

0
269

Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta ayaa lagu wadaa in maanta u bilaabato booqasho saddex cisho qaadanaysa oo uu ku tagayo wadanka Koonfur Africa.
Booqashada madaxweynaha ee Koonfur Africa ayaa ku soo aadaysa ka dib casuumaad rasmi ah oo uu ka helay dhigiisa wadankaasi Cyril Ramaphosa,waxayna ku saabsan tahay sidii sare loogu sii qaadi lahaa xiriirka laba geesoodka ah ee ka dhexeeya labad dal ee Kenya iyo Koonfur Africa.
Talaadada bari ah oo ku beegan 23-ka  November ayaa lagu wadaa in madaxweyne Kenyatta lagu marti qaado xaflad soo dhawayn rasmi ah oo dhigiisa koonfur Africa ugu tala galay taasoo ka dhacaysa dhismaha Midowga ee magaalada Pretoria halkaasoo ah xarunta rasmiga ah ee dowlada Koonfur Africa.
safiirka dowlada kenya u fadhida dalka Konfur Africa Catherine Muigai Mwangi oo warbaahinta kula hadashay xafiiskeeda magaalada Pretoria ka hor imaatinka madaxweyne Kenyatta ayaa sheegtay in labada hogaamiye uu dhexmari doono kulan muhiim ah oo ka dhici doona dhismaha midowga ayna ku saxiixi doonaan heshiisyo is afgarad ah oo lagu xoojin doono arimo dhowr ah oo labada dal ay wadaagaan.
safiirka ayaa sheegtay in heshiisyadaan ku saabsan arimaha socdaalka,dalxiiska iyo iskaashiga diblomaasiyadeed ay ka mid yihiin waxyaabaha muhiimka ah ee la filayo in lagu saxiixo kulanka laba geesood ah ee heerkiisu sareeyo oo dhexmaraya labada hogaamiye maalinka talaadada ah.
Amb Mwangi ayaa Tilmaamtay in Heshiiska Socdaalka ee MOU uu noqon doono mid horu dhac u ah qorshe lagu samaynayo nidaam dal-ku gal la’aan ah oo ay helaan dadka kenyanka ah ee u safraya wadanka koonfur Africa waxayna intaasi ku dartay inay tani tahay talaabo isdhaafsi ah maadaama markii hore muwaadiniinta Koonfur Africanka ah ay dalka Kenya Visa la’aan ku soo gali jireen.
heshiiska MOU ee dalkxiiska ku saabsan ayay Amb Mwangi sheegtay inuu eegi doono dhamaan qaybaha dalxiiska oo ay ku jiraan fursadaha maalgashiga si loo kobciyo waaxyaha labada dal iyo bixinta hirgalinta madal la isku dhaafsado khibradaha iyo casharada la kala faa’iiday maadaam dalxiisku uu qayb muhiim ah Kenya ka yahay sidoo kalena ay lagama maarmaan tahay inay fursadkasta eegaan oo sare loogu qaadi karo Dalxiiska iyo wax soo saarka dalka.
kulanka labo geesoodka ah ka sakow madaxweyne Kenyatta iyo dhigiisa Koonfur Africa ayaa sidoo kale shir gudoomin doono kulan wada jir ah oo ay yeelan doonaan madasha ganacsiga labada dal si loo sii sahmiyo dhinacyada cusub ee iskaashiga dhaqaalaha,ganacsiga iyo maalgashiga.
Safiirka Kenya ee Koonfur Africa ayaana sheegtay in la rajaynayo inay madashaas ka soo qaybgalaan ku dhawaad 100 ka mid ah hogaamiyeyaasha ganacsatada Kenya maadaama ay tani tahay fursad qaali ah.
booqashada madaxweyne Kenyatta ee konfur Africa ayaa waxaa sidoo kale qayb ka ah inuu booqdo shirkada Aspen Pharmacare oo ah shirkada caalami ah oo daawooyinka soo saarta sidoo kalena qaybisa talaalka ka dhanka ah cudurka Covid19 gaar ahaan nooca Johnson and Johnson.
wadama Kenya iyo Koonfur africa ayaa wadaaga xiriir soo jireen ah oo faa’iido u leh labada dhinac ka hor taageeradii taariikhiga ahayd ee kenya ay ku garab istaagtay koonfur africa si meesha looga saaro midab takoorkii iyo halgankii gumaysi la dirirka.
iskaashiga istiraatiijiga ah ee labada dal ka dhexeeyay ayaana lagu tilmaamay inuu saldhig u yahay Qiyamka iyo mabaadida guud,waxayna labad dowladoodba sheegeen inay ka go’an tahay dimoqraadiyada,maamul wanaaga iyo ixtiraamka xaquuqaha aadanaha oo ay ku jiraan awood siinta haweenka iyo xaqiijinta buuxda ee sinaanta Jinsiyada.
dowlada Koonfur Africa ayaana Xiriirka diblomaasiyadeed kenya la samaysatay sanadkii 1992-kii waxaana xiligaas la sameeyay gudi wadajir ah hirgaliyay heshiis iskaashi oo suuragaliyay inay labad dal yeeshaan qaabka ugu sareeya ee wadashaqayn heer wasiiro laba geesood ah.