Diiwaangelinta musharraxiinta golaha shacabka oo Dhuusamareeb ka bilaabatay

0
424

Guddiga doorashooyinka Heer maamul Goboleed ee Galmudug ayaa Maanta oo Axad ah waxay Xaruntooda Magaalada Dhuusamareeb gobolka Galgaduud ka bilaabeen diiwaangelinta musharrixiinta u tartamaya Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka fedraalka Soomaaliya.
Musharax Xildhibaan golaha shacab Yuusuf Geelle Ugaas oo u tartamaya kursiga Nambarkiisu yahay HOP#026 ayaa buuxiyay sharuudihii guddiga doorashada Galmudug isagoo qaatay shahaadadda musharaxnimada ee golaha shacabka, waxaana uu dhawaan isaga tegay kursigii Aqalka Sare ee 12 bishii sideedaad ee sanadkaan loo doortay.
Guddoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya Mahad Cabdalla Cawad oo afartii sano ee la soo dhaafay ku fadhiyay kursiga 67-aad ayaa ka mid ah dadka maanta la diiwaangaliyay oo qaatay shahaadada musharrax xildhibaan ee golaha shacbiga Soomaaliyeed.
Guddiga hirgelinta doorashada Galmudug ayaa xusay in maalmaha soo socda ay qaban doonaan doorashada kuraasta tirsigoodu kala yihiin HOP043 oo hada uu ku fadhiyay Xildhibaan Xuseen Qaasim Yuusuf, HOP054 oo ku fadhiyay Xildhibaan Cabdishakuur Cali Mire, HOP104 oo ku fadhiyey Xildhibaan Mahad Cabdalla Cawad, HOP067 oo ku fadhiyey xildhibaan Cabdullaahi Cali Axmad iyo HOP026 oo ay ku fadhido Xildhibaan Ikraan Aadan Absuge.
Musharaxiinta Xildhibaanada golaha shacabka ee maanta la diiwaangaliyay ayaa u mahad celiyay guddiga doorashooyinka heer maamul Goboleed ee Galmudug oo ay sheegeen inay si wanaagsan ugu adeegeen.
Guddiga doorashooyinka heer mamul Goboleed ee Galmudug ayaa la filayaa inay soo geba-gabeeyaan diiwaangelinta musharrixiinta 5-ta kursi ee Golaha Shacabka oo ay ku tartami doonaan kuwo ku fadhiyay Afartii sano ee la soo shaafay iyo xubno kale oo Cusub.
Maamulka Galmudug ayaa kamid noqon doona maamulada ugu horreeya ee bilaaba doorashada Golaha Shacabka ka dib dadaal uu ku bixiyay Ra’iisul Wasaare Maxamad Xuseen Rooble oo booqasho ku tegay Magaalada Dhuusamareeb.