Milatariga Suudan oo dib u soo celinaya ra’iisul wasaarihii xukunka laga tuuray

0
429

Milatariga dalka Suudaan ayaa qorsheynaya in ay dib u soo celiyaan ra’iisul wasaarihii xukunka laga tuuray ee wadankaasi Cabdalla Hamdok ayna siidaayaan hoggaamiyayaasha rayidka ah ee la xiray ka dib afgambigii militari ee dhacay bishii hore.
Waxaa sidatan warbaahinta u sheegay dhexdhexaadiye Fadlallah Burma Naasir sidoo kalena ah ah hoggaamiyaha xisbiga ummadda ee dalka Suudaan.
Waxaa uu sheegay in heshiis siyaasadeed ay gareen taliyaha ciidamada milatariga wadanka Suudaan Jeneraal Cabdel Fattaax Burhaan, ra’iisul wasaarihii xukunka laga tuuray Cabdalla Hamdok, xisbiyada siyaasadda iyo ururrada bulshada.
Mr. Naasir ayaa sheegay in Hamdok uu soo dhisi doono gole wasiirro oo madax bannaan, islamarkaana uu heshiiska ay gaareen militariga iyo xisbiyada siyaasadda uu dhigayo in dhammaan maxaabiista siyaasadeed la sii dayn doono.
Waxaa uu intaa ku daray in uu ka qayb galay shir dhacay gelinkii dambe ee shalay, islamarkaana u dhexdhexaadiyo ka ahaa shirkaasi heshiiska lagu gaaray.
Tallaabadan ayaa timid saacado un ka dib markii dadka kasoo horjeedo afgambiga militari ay ku baaqeen banaanbaxyo waaweyn inay dhacaan maanta.
Dhanka kale golaha sare ee dalka Suudaan ayaa shir yeelan doona maanta ka hor inta aan lagu dhawaaqin heshiiska.
Heshiiska waxaa si rasmi ah loo shaacin doonaa gelinka dambe ee maanta ka dib marka la saxiixo shuruudaha siyaasadeed ee la isku afgartay.
Waxaa heshiiska la gaaray uu imaanaya in ka badan saddex toddobaad ka dib markii uu militariga la wareegay awoodda dalkaasi.
Waxaana xilligaasi xabsi guri la geliyay ra’iisul wasaarihii dalkaasi Cabdalla Hamdok.
Dibadbaxyo rabshado wata ayaa Suudan ka dhacay toddobaadyadii ugu dambeeyay, kuwaas oo lagu dalbanayay in xukunka dib loogu soo celiyo xukuumadda rayidka ah ee uu hoggaaminayay ra’isul wasaare Hamdok.
Ciidmada amniga ayaa lagu eedeeyay inay dileen ilaa 40 qof oo dibad-baxayaal ahaa, hase yeshee hoggaamiyaha militariga jeneraal Cabdel Fattah al-Burhaan ayaa dafiray inay dileen dad shacab ah.
Mareykanka iyo Midowga Afrika ayaa maalmihii la soo dhaafay waday dadaallo xal loogu raadinayay xiissadda Suudaan.