Waxaa Maanta qabuuro ku yaalla Isbitaalka Xoogga ee Magaalada Muqdisho lagu aasay AUN Agaasimihii Radio Muqdisho Cabdicasiis Maxamuud Guuleed Afrika oo xalay lagu dilay qarax Is-miidaamin ah oo gaarigiisa lala beegsaday.
Salaada Janaasada ayaa waxaa marka horey Meydka Marxuum Cabdicasiis Afrika lagula tukaday Masaajidka Shuhadada ee Madaxtooyada, waxaana saladda Janaasada ka qeyb galay Ra’iisul Wasaare Maxamad Xuseen Rooble iyo Mas’uuliyiin kale oo dowladda ka tirsan iyo dadweyne fara badan.
Intaas ka dib ayaa waxaa loo galbiyey qabuuraha ku yaalla Isbitaalka Ciidanka Xoogga ee Magaalada Muqdisho oo lagu aasay Allaha u naxariistee Cabdicasiis Maxamuud Guuleed Afrika oo ahaa Agaasimihii idaacadda Radio Muqdisho.
Aaska Marxuumka ayaa waxaa ka qeyb galay Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Warfaafinta, qoyskiisa, Ehelkiisa iyo bahda Saxaafadda Soomaaliyeed waxaana dhammaan dadkaas ay Cabdicaiis Afrika Alle uga baryeen inuu u naxariisto.
Agaasimihii Radio Muqdisho Cabdicasiis Maxamuud Guuleed Afrika ayaa lagu dilay qarax Is-miidaamin ah oo lala eegtay gaari uu saarnaa, halka sidoo kalena uu dhaawac soo gaaray Agaasimaha telefeshinka qaranka Soomaaliyeed SNTV Sharmaake Maxamed Warsame iyo Darawalkii gaariga ay la socdeen.
Al-shabaab ayaa sheegatay Mas’uuliyadfa qaraxa lagu dilay Marxuum oo kamid ahaa Wariyeyaasha rugcadaaga ee Warbaahinta dowladda ka howlgalayey sannado badan, isagoona sidoo kale ka shaqeeyay Warbaahino Madax banana oo Soomaaliya ku yaalla.