Ragga kufsiga gaysta ee Pakistan oo dareemaha laga dilaya

0
466

Golaha xeer dejinta ee dalka Pakistan ayaa ansaxiyay sharci ka hor tagggaya gobodfallada kufsiga, kaas oo ujeedkiisu yahay in la dedejiyo xukunnada lagu ridayo kuwa falalka noocaan gaysto.
Dembiilihii lagu helo inuu kufsi badan gaystay oo ka dhan galmo ayaa laga yaabaa inuu wajaho in lagu duro cirbadda daawada kiimikada yareyso wax soo saarka hormoonnada ee dareenka ragga.
Waxaa arrinkan ku soo aadaya iyada oo laga jawaabayo qaylo dhaan dadweyne oo ku saabsan falalka kufsiga ee kusoo badanaya wadankaasi, ee ka dhanka ah haweenka iyo carruurta.
Waxaa la codsanaya in la xaqiijiyo inay caddaalad ay helaan dhibanayaasha faraxumaynta loo gaystay.
Sharciga ay baarlamaanka dalka Pakistan ansixiyeen ayaa dhigaya in guud ahaan wadankaasi laga dhiso maxkamado gaar ah si loo dedejiyo maxkamadaynta kuwa kufsiga gaystay iyo in la hubiyo in kiisaska xadgudubka ka dhan galmada lagu soo gabagabeeyo muddo afar bilood gudahood.
Sidoo kale cidii lagu helo kufsi wadareed ayaa lagu xukumi doonaa dil ama xabsi daa’in.
Dhanka kale daawada kiimikada yareeyso dareenka ragaa ayaa ah ciqaab sharci ah oo ay adeegsadaan dalalka kala ah Kuuriyada Koonfureed, Poland, Czech Republic iyo qaar ka mid ah gobollada wadanka Mareykanka.
Hay’adda xuquuqda aadanaha ee Amnestay ayaa bayaan ay soo saartay bishii 12-aad ee sanadkii hore ku sheegtay in ciqaabta noocaan ay tahay mid arxan darro oo bini’aadanimada ka baxsan xilligaasi oo la shaaciyay hindise sharciyeedka hadda la ansaxiyay.