Guddiga adeegga garsoorka dalka ee JSC ayaa sheegay inuu yeelan doono kulan ku saabsan eedeymo uu dhawaan barasaabkii hore ee ismaamulka Nairobi Mike Sonko u jeediyay garsoore Saciid Juma Chitembwe.
Sonko ayaa baraha bulshada ku faafiyay muuqaal ku saabsan in xaakinka uu lacag laaluush ah qaatay.
Waxaa uu Mike Sonko ku andacoonaya inuu la kulmay nin ay walaalo yihiin Chitembwe oo dalbaday sidoo kalena qaatay lacagta isagoo xaakinka matalaya.
Hasa ahaate garsoore Saciid Juma Chitembwe ayaa eedaasi waxba kama jiraan ku tilmaamay.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay inay tahay iskuday uu Mike Sonko ku aargoosanaya maadaama uu laalay dacwadii uu uga soo horjeeday in Anne Kananu loo dhaariyo xilka guddoomiyaha Nairobi.
Chitembwe ayaa intaasi ku daray in ninka uu Sonko sheegay inuusan walaalkii ahayn ama aynan qaraabo ahayn in kastoo ay is yaqanaan muddo 10 sano ah.