Qaramada midoobay oo sheegtay in 1,000 qof lagu xiray gudaha dalka Itoobiya

0
337

Jimciyadda qurumaha ka dhexeysa gaar ahaan xafiiskeeda qaabilsan arrimaha xuquuqul aadanaha ayaa sheegtay in tan iyo markii dalka Itoobiya looga dhawaaqay xaalad degdeg ah , ugu yaraan 1,000 qof la dhigay xabsiyada.
Amarkan oo soo baxay labo toddobaad ka hor ayaa dadka lagu qabtay waxaa ugu badan qowmiyadda Tigray.
Xaaladda degdegga ee wadanka Itoobiya ayaa dhaqan gashay 2-dii bishan November hal sano ka dib markii dagaallo u dhexeya ciidamada dowladda dhexe iyo xoogagga TPLF ay ka billowdeen gobolka waqooyi ee Tigray.
Amarka oo shaqeyn doono 6 bilood ayaa ciidamada ammaanka u oggolaanaya inay eedeysanayaasha xabsiyada ku hayaan iyagoo aan maxkamad la soo taagin ilaa iyo inta ay xaaladdan jirto.
Sidoo kale saraakiisha ammaanka ayaa guriyaha ka sameynaya baaritaano iyagoo aan haysan warqad oggolaansho ah.