Dacwad lagu doonayo inuu Miguna Miguna wadanka ku soo laabto oo maxkamadda la geynaya

0
412

Madaxa ururka qareenada dalka ee (LSK) Nelson Havi iyo madaxii hore ee waaxda cadaaladda wadanka Dr. Willy Mutunga ayaa maanta maxkamadda u gudbin doono dacwad ay ku dalbanayaan in garyaqaanka labada mar la tarxiilay Miguna Miguna loo oggolaado inuu dalka dib ugu soo laabto.
Waxay sheegen inay dadaal badan ku bixin doonaan sidii meesha looga saari lahaa digniinta cas ee la dul dhigay safarka Miguna.
Isniintii ayay ahayd markii ay soo baxeen warar sheegaya in dowladda Kenya ay shirkadda duulimaadyada ee Air France ka dalbatay in diyaaradaheeda aynan soo qaadin qareenka.
Miguna oo ku sugan magaalada Berlin ee dalka Jarmalka ayaa doonayay inuu u safro caasimadda Faransiiska ee Paris ka hor inta uunan u soo duulin Nairobi.
Nelson Havi iyo Willy Mutunga ayaa bishii Oktoobar ee sanadkan qorsheyay inay Miguna Miguna kula kulmaan magaalada Berlin si ay qayb uga noqdaan safarka uu ku imaanaya Kenya .
Hasa ahaate taasi ayaan dhicin maadaama maxkamadda sare ay ku guul dareysatay inay qaaddo xayiraado horay loo shaaciyay.
Miguna Miguna ayaa bayaan uu maalmo ka hor soo saaray ku sheegay inuusan ka laaban doonin go’aankiisa ahaa inuu dalka imaado .
Waxaa uu xusay inuu horay u haystay amar maxkamadeed kaas oo garsoorayaasha kala ah Chacha Mwita iyo Weldon Korir ay dowladda ku amreen inay fududeyso dib ugu soo laabashadiisa dalka qareen Miguna Miguna.
Waxaa uu intaa ku daray in dib ugu laaban doono maxkamadda haddii ay dhacdo in mar kale laga hor istaago inuu dalka soo galo.
Dr. Miguna, ayaa dalka laga tarxiilay bishii Saddexaad ee sanadkii 2018-kii, ka dib markii uu hoggaamiyaha xisbiga ODM Raila Odinga u dhaariyay madaxweynaha shacabka Kenya.
Waxaa uu weli ku adkeysanayaa inuusan cidna uga baahneyn oggolaansho uu dalka dib ugu soo laaban karo maadaama uu muwaadin xuquuq leh yahay.
Miguna ayaa maamulka Jubilee ku eedeynaya inuu ku xadgudbay xuquuqdiisa dastuuriga ah dowladdu aynan u hoggaansamin amarro dhowr ah oo maxkamadeed.