Howlaha baarlamaanka Uganda oo la hakiyay ka dib qaraxyo dhacay

0
438

Guddoomiye ku xigeenka golaha xeer dejinta ee dalka Uganda Ms Anita Among ayaa soo saartay amar lagu hakinayo howlaha baarlamaanka .
Waxay xildhibaanada iyo shaqaalaha baarlamaanka ku wargelisay inay guriyahooda ku sugnaadaan.
Go’aankan ayaa yimid daqiiqado un ka dib markii caasimadda wadankaasi ee Kampala ay ka dhaceen labo qarax.
Bayaan uu soo saaray karaaniga baarlamaanka Uganda Adolf Mwesige ayaa muujinaya in guddoomiye ku xigeenka ay u sheegtay in maanta uunan kal-fadhi jiri doonin.
Ciidamada ammaanka ayaa dhankooda ku dadaalaya inay xasiliyaan xaaladda gaar ahaan agagaarka golaha xeer dejinta ee wadankaasi.
Qoraal la soo dhigay barta rasmiga ee Twitter-ka baarlamaanka Uganda ayaa waxaa ku cad in cid kasta oo aan ku sugnayn xarunta baarlamaanka lagu wargelinayo inaynan goobta imaan sidoo kalena kuwa gudaha ku jiro ay sugaan in lagula taliyo qaabka ay ku bixi karaan.
Ilaa iyo hadda waxaa la xaqiijiyay inay dhinteen labo qof halka dhaawaca uu yahay ugu yaraan 24, iyadoo 7 ka mid ah ay xaaladooda aad u liidato
Wararka ayaa intaa ku daraya in dadka ay dhaawacyadu soo gaareen ay u badan yihiin saraakiil boolis ah.
Mid ka mid ah qaraxyada ayaa ka dhacay meel u dhow xarunta baarlamaanka ee caasimdda Kampala, halka midka kalena uu ka dhacay daaraha Kooki, oo ka soo horjeeda saldhigga dhexe ee booliska ee magaaaldaasi.
Ma jirto ilaa iyo hadda cid sheegatay mas’uuliyadda weerarradaasi.
Gaadiidka gurmadka degdegga ah ayaa goobta gaaray, iyagoo halkaasi ka qaaday dadkii waxyeelladu soo gaartay.
Booliska ayaa xiray goobta uu qaraxa ka dhacay iyadoo khuburrada bambaanooyinka ay aaggaasi baaritaanno ka wadaan.
Waddada aadda xarunta baarlamaanka ee dalka Uganda ee magaalada Kampala ayaa waxaa ku yaalla xafiisyo badan oo kuwa dowladda ah, oo ay ku jiraan wasaaradaha cadaaladda, ICT-da iyo waxbarashada.
Waxaa sidoo kale halkaasi ku yaalla bangiyo dhowr ah.