Mas’uuliyiinta dalka Turkiga ayaa xabsiga u taxaabay nin ay dowladda Haiti sheegtay in uu ahaa tuhmane muhiim ah oo looga shaki qabo dilkii madaxweynahii wadanka Haiti Jovenel Moise ee bishii Toddobaad ee sanadkan.
Eedeysanaha oo ah ganacsade islamarkaana lagu magacaabo Samir Handal, ayaa lagu xiray garoonka diyaaradaha ee magaalada Istanbul isagoo ka yimid wadanka Maraykanka.
Wararka ayaa intaa ku daraya inuu ku sii jeeday dalka Urdun, sida ay sheegtay wakaaladda wararka Anadolu ee laga leeyahay dalka Turkiga.
Wakaaladda wararka ee Turkiga ayaa sidoo kale sheegtay in eedeysanaha uu ku xiran yahay magaalladda Istanbul, iyadoo muddo 40-cisho ah lagu sii hayn doona dalkaasi.
Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda ee Haiti Claude Joseph ayaa qoraal bartiisa rasmiga twitterka soo dhigay ku sheegay in xarigga tuhmanaha uu kala hadlay dhigiisa Turkiga.
Ma uusan bixin tafaasiil dheeri ah ee ku aadan in tuhmanaha loo gacan gelinayo dowladda Haiti.
Rag hubaysan ayaa bishii Toddobaad ee sanadkan weerar ku dilay madaxweynaha Hiati halka marwadiisana ay dhawaac daran u gaysteen.