Ugu yaraan 11 qof ayaa la xaqiijiyay inay dhinteen halka dhowr kalena ay dhaawacmeen ka dib shil laga soo tabiyay ismaamulka Embu.
Shilka ayaa yimid ka dib markii bas ay dadkan saarnaayeen uu ku dhacay webiga Thura .
Taliyaha booliska ee magaalada Siakago Kivinda Kilonzo ayaa dhacdadan xaqiijiyay.
Waxaa uu sheegay in baabuurka uu u kala gooshayay waddada u dhexeysa Kirie-Siakago-Nairobi.
Taliyaha ayaa intaasi ku daray in baabuurka uu ku soo wajahnaa Siakago ka hor inta aynan abaare 8.30 subaxnimo ee maanta ku imaan cillad farsamo..
Wararka ayaa intaasi ku daraya in gaariga uu shidaalka ka dhammaatay xilli uu ka gudbayay buundada Thura.