Wasiirka wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska dowladda Federaalka Soomaaliya kana mid ah senatarrada cusub ee dhawaan la doortay Cismaan Abuukar Dubbe oo ay wehliyaan mas’uuliyiin ay ka mid ahaayeen Xildhibaan C/qaadir Carabow, agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta C/laahi Xayir Ducaale, Xassan Muudeey oo ka tirsan baarlamaanka Hirshabeelle, fannaanka da’ada yar ee Khadar Keeyow iyo xubno kale ayaa booqday hooyga ay magaalada Muqdisho ka dagan tahay fannaanada ka tirsan hobollada qaranka Soomaaliya ee waabari haddana xanuunno iyo xaalado adag oo dhanka nolosha ah wajahaysa.
Binti Cumar Gacal ayaa muddo la il darnayd dhaawac lugaha ka soo gaaray oo socodka uu xitaa dhib ku noqday, sidoo kalena aysan daaweyn wanaagsan helin.
Waxaa mas’uuliyiinta booqatay u ballanqaadeen in xaaladeeda si hoose loo eegi doono.
Fannaanada Binti Cumar Gacal ayaa ka mahadcelisay booqashada mas’uuliyiintan, waxayna ku tilmaamtay inay tahay markii ugu horreysay oo mas’uuliyiin heerkaan ah ay kusoo booqdaan gurigeeda oo ku yaalla xaafad isku raran ah oo ka tirsan degmada Xamar Jajab.
Wasiirka wasaarada warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiisa dowlada Fedraalka Soomaaliya ahna senatar ka tirsana aqalka sare ee Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbe ayaa sheegay inay wax ka qabanayaan arrimaheeda caafimaadka ayna ka warqabayaan xaaladeeda.
Binti Cumar Gacal waxay ka mid ahayd fannaaniintii hore ee qaranka Soomaaliyeed markii ay dowladdii dhexe ee Soomaaliya burburtayna waxay ka mid ahayd kuwii dalka ku nagaaday oo aan meelna uga bixin.
Waxaa ay wajahaysaa caqabado ay ka mid yihiin dhaawac labada lugood ka soo gaaray oo qaar ka mid ah neerfeyaasheedu aysan shaqaynayn sidoo kalena u baahan tahay daryeel caafimaad oo dalka dibbaddiisa ah.