Qorista ciidamo cusub oo ku biiraya KDF-ta oo maanta dalka laga bilaabaya

0
677

Waxaa guud ahaan maanta dalka ka bilaabanaysa qorista ciidamo cusub ee qayb ka noqonayo ciidamada difaaca dalka ee KDF-ta.
Waxaa barnaamijkan uu bilaaban doona 9-ka subaxnimo ee maanta isagoo socon doono muddo laba toddobaad ah.
Waxaa qorista ciidamada difaaca ee dalka lagu qabanaya xarunta waaxda KDF-ta ee xaafadda Hurlingham ee magaalada Nairobi .
Sidoo kale waxaa goobjoog ka ahaan doona taliye ku xigeenka ciidanka difaaca ee dalka jeneraal Francis Ogolla.
Kenyaanka danaynaya inay ka qayb qaataan qorista ciidamada cusub ayaa looga baahan yahay inuu haysto kaarka aqoonsiga qaran ee ID-card oo sax ah iyo in uusan lahayn laba dhalasho.
Waxaa sidoo kale muwaadinka doonaya inuu ku biiro ciidamada difaaca laga doonaya inuusan wax dembi ah horaan u gelin.
Shuruudaha waxaa dhanka kale ku jiro in da’adiisa ay u dhexeyso 18 ilaa 26 sano.