Austria oo xayiraad gelisay dadka aan laga tallaalin COVID19

0
426

Dowladda dalka Austria ayaa amartay in xayiraad dhanka dhaqdhaqaaqa ah la saaro shakhsiyaadka aan weli qaadan dawooyinka tallaalka ka dhanka ah cudurka COVID19.
Amarkan ayaa saqda dhexe ee xalay ee saacadda dalkaasi ka dhaqan galay guud ahaan wadankaasi.
Waxaa looga gol-leeyahay xakameynta faafitaanka caabuqa corona.
Amarka dowladda Austria waxaa uu dadka aan la tallaalin ee 12 sano ka wayn ka mamnuucaya inay guriyahooda ka soo baxaan haddii aynan soo qabsanayn waxyaabaha daruuriga ah.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in xayiraadda ay saameyn doonto 2 milyan oo qof.
Ciddii iyadoo aan tallaalka qaadan amarkan jebisa waxay muteysan doontaa ganaax lacageed oo dhan 1,450 Yuuro una dhiganta 1,660 oo doolar.