Dab ka kacay dugsiga sare Jamhuri ee Nairobi

0
606

Waxaa lagu soo warramayaa inuu dab ka kacay qaybaha qololka jiifka ay ardayda seexdaan ee dugsiga sare ee Jamhuri ee deegaanka Limuru magaalada Nairobi, iyadoona uu dabkaasi baa’bi’iyay dhismooyiin dhowr ah.
Waxaa qaybta oo dabka ka kacay seexan jiray in ka badan 300 arday.
Dabka ayaa la sheegay inuu kacay abaare 8-dii fiidnimo ee xalay.
Sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ah, dabka ayaa gabi ahaanba baabi’iyay dhismaha.
Waxaana wararka intaa ku darayaan in laga yaabaa inuu ku fido dhismayaal kale ee ka agdhawaa.
Ilaa iyo hadda ma jirto arday ku dhintay ama ku dhaawacmay dabkaas.
Waaxda dab damiska ee ismaamulka Nairobi iyo dhowr hay’adood kale oo goobta gaaray ayaa ugu dambeyn ku guuleysteen inay dabkaasi damiyaan.
Waxaa ilaa iyo hadda caddeyn sababta dhalisay dabkaas.