Dugsiyada New Delhi oo la xiray

0
597

Maamulka magaalada New Delhi ee dalka India ayaa shaaciyay in goobaha waxbarashada albaabada la isugu dhufanayo muddo hal toddobaad ah.
Waxaa uu maamulku sheegay in la guda galayo howlgal lagu nadiifinayo deegaanka si loo badbaadiyo nolosha shacabka.
Arvind Kejriwal oo ka mid ah mas’uuliyiinta dalkaasi ayaa laga soo xigtay in sababta dugsiyada loo xiray ay tahay in ardayda aynan saameyn ka soo gaarin hawo wasaqeysan maadaama buufin la sameynayo.
Delhi ayaa ka mid ah magaalooyinka adduunka ugu wasqeysan.