Guddoomiyaha Kakamega oo eedeyn u jeediyay maamulayaasha dugsiyada

0
425

Barasaabka ismaamulka Kakamega Wycliffe Oparanya ayaa eedeyn u jeediyay qaar ka mid ah maamulayaasha dugsiyada kuwaas oo waalidiinta lacago xad dhaaf ah ku soo rogay, si ay u bixiyaan qarashaadka lagu dayactirayo dugsiyadii dhawaan dabka la qabadsiiyay ee qaybo ka mid ah wadanka.
Mr. Oparanya ayaa sheegay in uu helay wicitaanno badan oo ka yimid waalidiinta, iyaga oo ka cabanaya maamulayaasha dugsiyada ee qarashaad ku soo rogay.
Guddoomiyaha ayaa xusay in dugsiyada laga doonaya inay joogaan injineero shahaado haysta si ay u qiimeeyaan qarashaadka ku baxaya dayactirka goobaha tacliinta si guddiyada iskuullada ay u ansixiyaan dhaqaalaha loo baahan yahay.
Barasaabka ismaamulka Kakamega Wycliffe Oparanya ayaa si gaar ah tusaale ugu soo qaatay dugsiga sare wiilasha ee Kakamega oo waalidiinta laga codsaday inay bixiyaan 10,000 shillin midkiiba, si loogu dayactiro labo qol oo ka mid ah kuwa ardayda seexdaan oo dab la qabadsiiyay toddobaadkii hore.
Waxaa uu wax laga xumaado ku tilmaamay in maamulayaasha dugsiyada ay ka faa’ideysanayaan dhibaatooyinka haatan ka jira iskuullada si ay lacag u helaan.
Tani ayaa timid iyadoo waalidiinta ardayda ee dugsiga sare wiilasha ee Kakamega ay ka dhiidhiyeen qarashaadka ku baxaya dib u dhiska qaybo ka mid ah xaruntaasi oo la gubay, islamarkaana ay ku baxeyso dhaqaale dhan 22 milyan oo shillin.
Toddobaadkii hore ayay ahayd markii wasiirka wasaaradda tacliinta ee dalka Prof. George Magoha uu sheegay in waalidkii uu canuggiisa gubo dugsi laga qaadi doono qarashaadka ku baxaya dib u dhiska xaruntaasi.
Magoha ayaa hoosta ka xarriiqay in dhammaan dugsiyada ilaa iyo hadda la gubay qarashaadka laga qaadi doono waalidiinta .
Waxaa uu ku celceliyay in waalidku ay mas’uuliyad ka saaran tahay inuu wanaajiyo habdhaqanka canugiisa.