Dadka ku nool deegaanka Tugen estate ee magaalada Moiben ee ismaamulka Uasin Gishu ayaa la kulmay dhacdo argagax ah kadib markii nin da’ dhexaad ah uu dilay xaaskiisa iyo hooyadiis subaxnimadii hore ee jimcaha maanta.
Sida uu sheegay ku-simaha gudoomiye xaafadeedka Sergoit David Ayabei, ninkan ayaa gurika ku gubay xaaskiisa iyadoona uu jirkeeda noqday dambas .
Ka dib markii uu xaaskiisa dilay waxaa uu u tagay hooyadiisa isagoona baagad ku jar-jaray .
Booliska oo soo gaaray goobtii ay dhacdan ka dhacday ayaa naftiisa badbaadiyay ninka dilay hooyadiis iyo xaaskiisa ka dib markii dad ka carooday falkan ay isku dayeen inay ka takhalusaan.
Qaar ka mid ahdadka deegaanka iyo ku xigeenka gudoomiye xaafadeedka Sergoit ayaa dhacdan warbaahinta uga waramay.