IEBC oo digniin u dirtay xisbiyada siyaasadeed

0
293

Guddoomiyaha guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudada wadanka ee IEBC Mr. Wafula Chebukati ayaa sheegay inay dantu ku qasbi karto in qaar ka mid ah xisbiyada siyaasadeed ay ka mamnuucaan ka qayb qaadashada codeynta guud ee sanadka 2022-ka.
Waxaa uu arrinkan u aaneeyay in ilaa iyo hadda aynan u hoggaansamin xeerarka u degsan kala saaridda musharraxiinta.
Chebukati ayaa xusay in ilaa iyo hadda 89 xisbi ay gudbiyeen xeerarka ay u adeegsanayaan isreebreebka hasa ahaate aynan dhammaan buuxin shuruudihii laga rabay.
Xisbiyada ayaa haysta ilaa maalinka Talaadada ee toddobaadka dambe si ay u soo dhameystiraan waxyaabaha laga doonayo ee ku qeexan xeerarka doorashooyinka ee dalka.