Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudada dalka ee IEBC ayaa sheegay in xafiisyada uu ku leeyahay deegaan baarlamaaneedyada ismaamullada uu ka wado diiwaangelinta codbixiyeyaasha.
Tani ayaa timid ka dib markii Jimcihii la soo dhaafay la soo gabagabeeyay diiwaangelintii soo billaabatay 4-tii bishii hore.
Hasa ahaate waxaa uu guddigu xaqiijiyay in fursadda la siinaya keliya shakhsiyaadka markii ugu horreysay isku diiwaangelinaya ka qayb qaadashada doorashada guud, beddelanaya goobaha codbixinta ama macluumaadkooda isbeddel ku sameynaya.
IEBC ayaa sidoo kale sifeynaysa diiwaankeeda iyadoo meesha ka saaraysa xogta codbixiyeyaasha geeriyooday.
Guddoomiyaha guddiga IEBC ,Wafula Chebukati ayaa bayaan ku sheegay in dadkii codeeyay sanadkii 2017-kii ama dhawaan isdiiwaangeliyay aynan khasab ahayn in mar kale deegaan baarlamaneedka ay iska diiwaangeliyaan.
IEBC ayaa laga soo xigtay inay muddo bil gudaheed ah ku diiwaangelisay codbixiyeyaal cusub oo gaaraya 1,519,294 in kastoo ay bartilmaameedsanaysay 6 milyan.